
1.SHEEKOOYINKA DADQALATADII DHEGDHEER
Suuganta aan qorrayn ee soomaaliyeed qaarkeed waxay ku ssabsan tahay dadqalato, waxaana lagu maaweeliyaa carruurta yaryar, siiba ku uwa bulshada reermiyiga ah.
Sheekooyinkaasi waxay tusayaan dadqalatooyin rag iyo haweenba leh, sida Dhegdheer, Duula, Miidaan oo haween ahaa, iyo Buraale, Raane iyo kuwo kale oo rag ahaa.
Iyada oo la ogsoon yahay in sheekooyinka noocaas ahi ku badan yihiin suugaanta aan qorrayn ee soomaaliyeed, waxaannu halakan kaga faalloonaynaa dhawr ka mid ah sheekooyinka dadqalatadii Dhegdheer oo keli ah, taas oo caan ku ah suugaanta dadweynaha soomaaliyeed ee aan qorrayn.
Sheekooyinka Dhegdheer waxaa laga yaqaan gobollo badan ee Soomaaliya, siyaalo kala duwanna waa loo tebiyaa. Inkastaba, sheekooyinkaas oo dhammi waxay werrinayaan noloshii dadqalatadii Dhegdheer iyo falkeedii yaabka lahaa.
2.Sheeko-nololeeddii Dhegdheer, ama Xaynwada
Waagii ay inanta ahayd Dhegdheer way qurux badnaan jirtey, qof samir leh oo waalidkeed u dheganugul bay ahayd, baa la yiri.
Dhallinyarada ay isku fil yihiin, way jeclaan jireen sheekada iyo haasaaweheeda, wiilal iyo qabdhaba. Gabdhuhu way ku dayan jireen Xaynwada wanaaggeeda, wiila- shuna way u bogi jireen lasheekaysigeeda.
Habeenkii markii xoolu soo hoydaan dhallinyaradu waxay ku caweyn jireen sheekooyinka yaabka leh ee Xaynwada u sheegi jirtey.
Barbaarta mar kasta ku shirsan hareeraheeda oo madaxnima u aqoonsaday awgeed baa magaca "xaynwada" loogu bixiyey. Waxaa jira sheekooyin kale oo Dhegdheer ku magacaabaya "Dhudi" iyo magacyo kale.
Waxaa la yiri Xaynwada waxay ka dhalatay qoys sabool ah oo reer-miyi ah, iyaduna ilmaha keli ah ee waalidkeed bay ahayd. Gabar qurux badan bay noqotay markii ay kortay, rag badan baana weydiistey adoogeed in ay guursadaan gabadhiisa.
Adoogeed wuxuu Xaynwada ku daray nin xoolo yarad ah oo badan ka bixiyey. Ninkaasi wuxuu ahaa nin camal xun oo ay dhib ahayd si loo qanciyo.
Wuxuu la baxay gar dheer, sidaas baa "gardheere" loogu bixiyey. Xaynwada ma ay rabin in loo guuriyo ninkaas, markiise uu bixiyey xoolo badan oo aabbeheed ka saaray cayrnimadii way oggolaatay in ay noqoto afadii Gardheere.
Markii ay gurigashay Xaynwada waxay isku dayday in ay ninkeeda u noqoto naag wanaagsan, si ay ku hesho kalsoonidiisa.
Waayo ka dib Xaynwada gabar bay dhashay, mid kalena way ku xijisey.
Ilmahii saddexaadna gabar bay noqotay. Ninkii kuma farxin arrintaas, maxaa yeelay, sida ragga reer-miyiga u caado ah, wuxuu jeclaa in wiil u dhasho, kaas oo la wareegi lahaa maamulka reerka markii odaygu gaboobo, ama geeriyoodo.
Rajadaas odaygu way burburtay markii naagtiisu wiil u dhaliweydey.
3.Xaynwada oo Dadqalatowdey
Ka dib abaar xun baa ka dhacday dalkii oo roob ma da'in sanooyin badan, xoolihii way xaalufeen, kuwii Gardheerena ku jiraan; saa biyo iyo baad bay waayeene.
Sidaas awgeed, dad badan baa gaajo iyo macaluul u le'day, kuwii sabato baxayna dalkii bay ka qaxeen oo dhul dheer bay nolol u raadsadeen.
Isbeddel yaab leh baa ku dhacay Xaynwada oo waxay ka niyadjabtay in ay cunto oon xalaal ah, dharaartii oo dhan waxay iska warwareegi jirtey kaymaha cidlada ah, fiidkiina reerka bay ku soon noqon jirtey.
Ninkee- du waa garan waayey waxa ku dhacay naagtiisa waana la yaabay caadada ay la timid.
Galabtii dambe markii ay ku soo noqotay gurigii buu weydiiyey:
- Naa maxaa kugu dhacay, reerka inooma dhaqdid beryahaan dambe, maxaad duurka u wareegeysaa keligaa oo ka samaynaysaa?
Kama ay jawaabin weydiintiisii, waxayna ogaatey in uu ka shakigabey tabaha cusub ee ay la timid.
Habeenkas goor saqdii dhexe ah bay Xayn- wada soo qaadatay mindi dheer oo af badan oo ninkeedii Gardheere oo hurda dhegta dhiigga u dartay! Ninka hilbahiisii qaar cawadaas bay cuntay, qaarna way karsatay.
Naagtii halkaas bay ku dadqalatowdey sida sheekadani weriseyl).
4.Tilmaantii Dhegdheer
Sheekooyin dadweyne oo badani waxay Dhegdheer ku tilmaamaan in ay ahayd naag laf dheer, buuran oo xoog weyn.
Fardaha way ka dheerayn jirtey. Marka ay qof eryanayso sida dabaysha bay u xiimi jirtey, xawligeeda dartiis2). Waxaase la yiri dhaqso isma ay rogi kari jirin kolkay ordayso, culayska oogadeeda iyo xawligeeda dheer awgiis.
Dadku way ogaayeen iin- teedaas oo way dabamaryayn jireen markii ay eryooto qof, sida la yeelo wiyisha markii laga cararayo.
Waxay lahayd timo yacay ah oo dabayshu gadaal u sayrto, sida sayn fardood, marka ay qof cayrsanayso.
Indho xinjir guduudan ah bay lahayd, dhulow-dhul bayna wax ka arki jirtey, sida shabeelka.
Maqalka iyo urinteedu aad bay u feeyignaayeen. Dhegaheeda mid baa sida eyga u dheerayd, sidaas awgeed baa loogu bixiyey naanaysta "Dhegdheer".
Gelinsocod meel jirta qofka ciidda butuca ah ku dul soconaya iyo laanta dabayshu jebisey qacdeeda way maqli jirtey Dhegdheer.
Kolka ay jiifto dhegteeda dheer waa taagnaan jirtey ilaa ay gama'dana ma dhici jirin dhegtu:
Cunidda hilbaha dad oo ay caadeysatey baa naagtaas ka dhigtay bahal leh miciyo yeyeed iyo ciddiyo coomaadi.
Tilmaantaas cabsida leh, ciddi' dheer oo ay wax ku disho iyo mindi gaaleef ah oo af badan buu ahaa hubkii ay dadqalatadu durba ku jarjari jirtey qofkii u gacan gala hilibkiisa.
1) Sheekooyin kale waxay oranayaan Dhegdheer waa la guursadey kolkay dadqalatodey ka dib, eeg Sheeko 6.
2) Dhegdheer xawaareheeda iyo awooddeeda duullimaadba waxaa lagu tusay tixaha ku jira, eeg Sheeko 4.
4) Tabihii Ugaarsiga ee Dhegdheer
Marka ay dadka ugaarsanayso Dhegdheer way raadraaci jirtey ilaa ay qofka hesho oo gaadmo ama orod ku qabsato.
Rag carraabay lama raaco, saad gaari meyside. Naag carrowdayse haka soo harin oo dumar gelin dambe waa soo dabcaaye.
Nin jarmaaday haka soo harin, suu barqadii markii qorraxdu soo kululaato buu geed harsadaa oo lagu qaban karaaye. Naag jarmaaddayse ha racin, saad gaari mayside
bay oran jirtey Dhegdheer.
Dhegdheer cabsi iyo dhiillo weyn bay gelisey dadkii degganaa dalkii ay joogtey, markii ay qalatay dad badan, ceelashii laga cabbayey iyo dhulkii daaga lahaana loogu tegi waayey.
Naag Dhool la oran jirey iyo ninkeedii baa ka mid ahaa dadkii dadqalatadaas darteed ugu dhici waayey biyihii iyo baadkii dalka yiil, waxaana ay ku heeseen:
ninkii: Dhankaynu u guuri Dhooley abaaro dhacee?
Dhool:
Dhegdheer iyo Gardheeroo labo gabdhood) dhalay ayaa dhul barwaaqo lihi
dhinacooda yahay.
5.Dhegdheer iyo Fariido
Afar carruur ah oo labo wiil iyo labo gabdhood oo walaalo ah baa miro u doontay miyiga, baa la yiri.
Intii ay maqnaayeen baa reerkoodii ka guurey meeshii ay degganaayeen.
Markii ay soo noqdeen bay reerkoodii ka waayeen meeshii.
Fariido baa la oran jirey gabadha ugu weyn carruurta, waxayna ahayd gabar waxgarad ah, sidaas awgeed, baa loogu bixiyey Fariido.
Raadkii reerka bay raaceen carruurtii, ka dibna kaymo cidla' ah bay ku fogaadeen oo ku ambadeen.
Waxay socdaanba waxaa u muuqday agallo meel ka dhisan, say waa ku soo leexdeen oo isyiraahdeen biyo iyo cunno weydiista reera- haas.
Dadqalatadii Dhegdheer baa lahayd aqalladaas oo qabsatay carruurtii markii ay u yimaadeen, ayaan-darradooda. Carruurtu dhawr beri waxba ma cunin oo gaajo bay la weydoobeen.
Dhegdheer cunno iyo biyo bay siisay carruurtii, si ay u cayilaan, ka dibna ay u qalato.
- Maandhaay, orodoo xaabo ii soo gur aan cunno idiin ku kariyo
- bay Dhegdheer ku tiri Fariido berigii dambe.
Yeelay, eeddo; walaalkayga weyni ha i raaco oo ha ii wehelyeelo
- bay tiri Fariido.
1) Sheekooyin kale waxay sheegayaan in Dhegdheer gabar keli ah lahayd, eeg Sheeko
Waa yahay; ee ha fogaanninoo soo dhaqsada
- bay tiri Dhegdheer.
Markii Fariido iyo walaalkeedii weynaa tageen bay wiilkii yaraa dhegta dhiigga u dartay oo beerkiisii karsatay.
Cad beerkii ah bay dadgala- tadii xoog ku cunsiisay gabadhii yarayd, intii kalena iyadu cuntay.
- Waa yahay; ee ha fogaanninoo soo dhaqsada
bay tiri Dhegdheer.
Markii Fariido iyo walaalkeedii weynaa tageen bay wiilkii yaraa dhegta dhiigga u dartay oo beerkiisii karsatay.
Cad beerkii ah bay dadgala- tadii xoog ku cunsiisay gabadhii yarayd, intii kalena iyadu cuntay. Gabadhii way garatay in waxa la cunsiiyey yahay beerkii walaalkeed.
-
Huunno, beer walaal kharaaraa!
- bay tiri iyada oo oyaysa. Ka dib Dhegdheer gabadhii yaraydna way galatay.
Fariido iyo walaalkeed sooma noqon ee way ka carareen dadqalatadii.
Midkoodba meel buu u cararay, si ayan Dhegdhher uga dabo iman oo u soo wada qabsan labadoodaba.
Fariido iyo walaalkeed waa kala lumeen oo iswaayeen.
Waxay oroddaba Fariido waxaa ka hor yimid libaax dadqaad ah oo fadhiya waddada ay ku cararaysey.
Fariido geed dheer bay ka fuushay libaaxii, bahalkiina geedkii buu hoos fariistay, si uu u qabsado oo cuno markii
ay soo degto.
Pariido walaalkeed meel kasta waa ka doonay, beryo badan buuna goobayey walaashiis.
Raadkeedii buu helay berigii dambe oo raacay, wuxuuna helay iyada oo geedkii ku joogta, libaaxiina hoos fadhiyo.
Dab buu inta shiday xolod dab ah ku tuuray libaaxii, bahalkii waa cararay.
Fariido sidaas baa walaalkeed uga sabatobixiyey libaaxii oo rayrayn iyo farax weyn ay mar labaad isku heleen walaalihii waayo badan kala maqnaa.
Subaxii wiilku ugaarsi buu aadi jirey, walaashiisna waxay soo guri jirtey miraha; galabtiina hilbaha walaalkeed keeno bay bislayn jirtey.
Sidaas bay nabad iyo barwaaqo ugu noolaayeen dalkii fogaa ee ka shisheeyey buuraha waaweyn, baa la yiri.
6.Dhegdheer iyo Wadaadkii
Waxaa la yiri meesha ay deggan tahay Dhegdheer agallo badan bay ka dhisi jirtey, si qofkii arka aqalladaas u moodo in meeshaas degmo taal oo inta ku soo leexdo ay qabsato oo qalato.
Sidaas bay dadka ku soo dabi jirtey.
Dharaartii dambe baa wadaad socdaal ah aqalladii Dhegdheer arkay oo inta ku soo leexday dadqalatadii oo gurigeedii joogta u yimid.
Markii wadaadkii arkay foolxumadeedii buu ka yaabay oo ku dhaygagay, say teen:
- War ma indhahaygaad ka baqday? Mashiikh (cudur indhaha ku dhaca) baan qabaa oo milix iyo murre ayaan ku shubay.
Mase miciyahaygaad ka baqday? Yaraantii baan ilka-dawacadii layga gurin.
Mase ciddiya- haygaad ka cabsootay? Rajaynimaan ku weynaadey.
- Naa nin socdaal ah oo harraad qabaan ahaye i waraabi
buu yiri wadaadkii.
-War haamaha aqalka tobnaad yaal, tan tobnaad kalaxa Adarkal) agyaal soo darso, oo i sii sug intaan reerahaas dab ka soo qaada- nayo
- bay ku tiri Dhegdheer oo dhaqaaqday.
Meeshii uu biyaha ka soo darsan lahaa haanta tobnaad ee tiil aqalka tobnaad wadaadkii waa qaldamay oo wuxuu bujiyey haantii sagaalaad ee tiil aqalka sagaalaad.
Wuxuu haantii ku dhex arkay qof calaacashiis iyo shanteedii farood oo ku yaal.
Wuu naxay oo far iyo suul isku taagey, markii uu ogaadey in ay naagtaasi tahay dadqalatadii belada ahayd ee Dhegdheer.
- War haamaha aqalka tobnaad yaal, tan tobnaad kalaxa Adarka¹) agyaal soo darso, oo i sii sug intaan reerahaas dab ka soo qaada- nayo
- bay ku tiri Dhegdheer oo dhaqaaqday.
Meeshii uu biyaha ka soo darsan lahaa haanta tobnaad ee tiil aqalka tobnaad wadaadkii waa qaldamay oo wuxuu bujiyey haantii sagaalaad ee tiil aqalka sagaalaad. Wuxuu haantii ku dhex arkay qof calaacashiis iyo shanteedii farood oo ku yaal.
Wuu naxay oo far iyo suul isku taagey, markii uu ogaadey in ay naagtaasi tahay dadqalatadii belada ahayd ee Dhegdheer.
Haanta wadaadku bujiyey waxaa la oran jirey Bowdheer (eeg tusmo 2 bog 19
iyo tusmo 1 bog 26) oo Dhegdheer ku guran jirtey hilbaha dadka ay qalato..
Markii furka laga qaado haantaas bowdeeda waxaa laga maqli jirey carro-edeg
Dhegdheer gurigeedii bay ku soo orodday kolkii ay maqashay bowdii haanta Bowdheer, oo aragtay haantii oo la bujiyey iyo wadaadkii ay guriga kaga tagtay oo maqan.
Ka dib way raadraacday oo durba soo qabsatay isaga oo meel sii rooraya. Habeenkaas bay qalatay wadaadkii oo markii ay cuntay hilbihiisii tiri:
Wedkiisaa wadey wadaadka maxaa waddadayda keenay!
7.Dhegdheer iyo Boholaha Xargaga
Waxaa la yiri nin baa wuxuu qabey naag dhallinyar oo qurxoon oo wiil u dhashay.
Xoolo ku filan bay lahaayeen qoysku oo way ladnaayeen.
Ninkii wuxuu guursadey naag kale, si uu u reerbadsato oo wiilal badan u yeesho, markii uu gaboobo ama geeriyoodana la wareega maamulka reerka.
Xoolihii kala bar oo bar wuxuu siiyey minyaradii, aqal cusubna minweyn- takeedii baa looga agdhisay.
Waxaa dhacday in minweyntii markay aragtay aqalka ka feer dhisan keeda iyo gabadha qurxoon ee dhallinta yar ee ninkeedu keensaday ay masayr dartiis maryaha tuurto.
Habeenkii dambe bay minweyntii inta wiilkeedii xambaaratay ka guuraysay ninkeedii oo la jiifa minyaradiisa.
Subaxii buu ogaadey in naagtii iyo wiilkiiba magan yihiin, meel uu u doonase ma aqoon oo waa ka danbaxay.
Maalmo badan bay socotey naagtii iyada oo ku sii jeedda meeshii reer- adoogeed degganaa wagii ugu dambeysey.
Dhulka ay maraysey wuxuu ahaa dooxooyinka Nugaaleed, halkaas oo lagu yiqiin in ay dadgalatadii Dhegdheer ka ugaarsato dadka.
Naagtii waxay socotoba waxay meel dheer
1) Waa jalxad weyn oo wax lagu kariyo, ama biyo lagu shubto; sebenno hore magaalada Adari (Harar) baa laga keeni jirey weelkaas, eeg Sheeko 4.
2) Waa eray qadiin ah oo aan haatan lagu dhaqmin, macnehiisu waa dunida oo idil, inta ka shishaysa meesha cirka iyo dhulku iska galaan.
Xoola- leyda soomaaliyeed baa sebenno hore yiqiin eraygaas.